In aad wax akhriso waxay u fiican tahay maskaxada iyo in aad bulshada kugu hareersan aad ku anfacdo wax yabahaa qaarka maqan. Wax akhrisku waa hibo uu ilahay bixiyo qofkastana looga bahan yahay in uu hiboyinkiisa uu sida ugu qurux badan iga fa'idaysto, qof kastaba wuxuu helaa intuu wax akhriyay ama wuxuu hadlaa inta uu wax akhriyay.
Wax akhrisku waa shayada ugu qalisan aduunka qof kasta oo koonkan ku nool waxaa looga bahaan yahy in uu wax akhriyo haba haatee hal jumlad oo qoraal ah.
Badi wax akhriska:
Dhammaanteen waan ognahay waxa ay ka dhigan tahay ku talax-tegidda akhrinta buug fiican, balse aqoontu ma kobcin kartaa caafimaadka maskaxdaada? Khubarradan ayaa ku doodaya in buugaagtu ay kobciyaan maskaxda oo loo adeegsan karo in qof lagu daaweeyo, waxayna soo jeedinayaan talooyinkan oo wax ka tari kara dejinta naftaada…
Buugga saxda ah wuxuu kaa caawinayaa inuu awood ku siiyo oo uu jawigaaga soo celiyo
Inaad doorato nooca buugga saxda ah wuxuu ku siin karaa awood iyo inaad dunida ka aragtid dhanka wanaagsan.
Haddii Ella Berthoud oo ka mid ah dadka wax ku daaweeya buugaaga ay iska soo hor baxaan, aan dhahno, Theresa May, raysal wasaarihii hore ee Britain ee caqabadaha la kulantay... maxay kula talin lahayd inay akhriso?
Berthoud - oo ah qoraa dadka kula talisa akhrinta buugaagra ayaa tiri: "Waxay ku bilaabi kartaa buugga qoraaga reer Mareykan ee Hubert Selby Jr ee sanadkii 1978 kaasoo lagu magacaabo Requiem for a Dream."Buuggu wuxuu ka hadlayaa afar qof oo la daalaa dhacaya qaabab kala duwan oo la qabsiga daroogada ah, markii dambe waxaa laga dhigay filin, waxaan filayaa inay wax ka kororsan doonto," ayay tiri Berthoud.
"Farriinta uu guud ahaan dirayo buugga waa in la isku dayo lagu dhegganaado shuruucda aad dejisatay. Waxaan rajeynayaa inay akhrin doonto ayna wax badan ka faa`iidi doonto."

0 Comments