ISLAAMKA IYO FIRQOOYINKA DIINTA

ISLAAMKA IYO FIRQOOYINKA DIINTA⁉️



Waxaa isweydiin mudan Maxaa Inaga ba’aya haddaan Islaam kaliya ku ekaano oon isku xiriirino isugu gargaarno,intaan isku raacsanahay ku wada socono,farqiyada iyo kala aragti duwanaanta isugu dulqaadano,si Nabad ahna u wada noolaano,wixii natiijo iyo kala xukmin  ahna Alle u dayno,waayo Ilaahay Muslim uun ayuu inoo  yaqaan,halkaana ha dhaafina ayuu inagu yiri. 

"مِّلَّةَ أَبِيكُمْ إِبْرَاهِيمَ ۚ هُوَ سَمَّاكُمُ الْمُسْلِمِينَ مِن قَبْلُ وَفِي هَٰذَا"

“Diintii Aabihiin Ibraahiim ayuu idiin dooray Alle oo isagaa( Ibraahiim cs) Muslimiin idinku magacaabay mar hore iyo hadaba..”


In firqooyin la noqdo Alle waa inoo diiday oo taa wuxuuba meel la dhigay shirki iyo gaalnimo. 


“وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ (31) مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ (32)”

“Ha ka mid noqonina Mushrikiinta,kuwaas oo intay diinkoodii ku qaybsameen noqday firqooyin iska soo horjeeda oo ay koox kasta siday wax u aragto kaliya sax la tahay kuna faraxsan tahay”.


Waxaa kale oo uu Ilaahay sareeye Rasuulkeena Muxamadﷺ ah ku yiri:-

"إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ"

“Kuwa diintoodii ku qaybsamay ee noqday kooxo iska soo horjeeda adiga wax kuu galay majiraan,arintooda Ilaahay bay utaal isagaana kula xisaabtami doona oo  u sheegi doona wixii ay fali jireen”. 


Sida uu warinayo saxaabigii weynaa ee xudayfa(RHKRN) Rasuulkaﷺ wuxuu ku yiri:-

".. فَاعْتَزِلْ تِلْكَ الْفِرَقَ كُلَّهَا وَلَوْ أَنْ تَعَضَّ بِأَصْلِ شَجَرَةٍ حَتَّى يُدْرِكَكَ الْمَوْتُ وَأَنْتَ عَلَى ذَلِكَ".رواه البخازي. 

“Ka dheerow firqooyinkaas oo dhan xitaa haday kugu kalifto inaad kaligaa geed jiridiis qaniinto ilaa aad ka dhimato oo mowdka kuu yimaado adiga oon firqana ka tirsaneyn”.


Islaam isaga is Nabad galiyay Umadaha kale een islaanimada la wadaagina nabad galiyay haddii aysan iyagu soo doonanin ayuu Ilaahay Islaam quman u yaqaan sida uu Rasuulkiisa Muxamadﷺ ah noo sheegay:-


"وعن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه و سلم قال : المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم"رواه احمد' وقال شعيب الأرنؤوط : إسناده صحيح على شرط الشيخين. 


"Muslin waxaa ah qofka ay dadka ka Nabad galaan Afkiisa iyo Adinkiisa,Mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya dhiigooda iyo maalkooda”.


Firqooyinkii uu Eebe oga digay Muslimiinta waaba diyaar oo wayba noqdeene,kuwa Kitaabka Eebe iyo wadadii Rasuulkaﷺ suuban ku toosan uun aan ku dadaalno in aan noqono. 


In kasta oo Uu Rabbi uun garanayo cidda wadadiisa haysa misana waxaa jira Tilmaamo uu Nabigaﷺ bixiyay oo intooda badan tilmaamaya in ay tahay halka Muslimiintu waqti kasta u badan yihiin, ee badankoodu isku raacaan sax ahaanshiyaheeda.


Rasuulkaﷺ wuxuu yiri:-


“إن أمتي لا تجتمع على ضلالٍ فإذا رأيتم اختلافًا فعليكم بالسواد الأعظم"أخرجه أحمد في مسنده وابن ماجه وصححه السيوطي في الجامع الصغير. انظر الجامع الصغير وشرحه فيض القدير في ج 2 ص 1302 رقم (3950).


Umadaydu baadi kuma kulanto(iskuma raacdo) ee haddii aad Khilaaf aragtaan waxaan idinku ogahay hadba halka ay Umaddu u badan tahay”.


Waxa inta badan laga hadlayo waa Caqiidada iyo Asalka Diinta iyo Iimaanka ee Furuucda iyo Axkaamta maaha.

Post a Comment

0 Comments